Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo gudoomiyay shir ku saabsan dayn cafiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya,oo todobaadkiiba hal mar lagu qabto Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta wasaarada Maaliyada.
Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle,isagoo Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyay shirkii uu uga soo qyeb-galay Magaalada Addisa Ababa ee caasimada dalka Itoobiya halkaasoo ay ku kulmeen haydaha dhaqaalaha aduunka iyo dowlada Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Baaliyada Soomaaliy C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faecbookga ku sheegay in Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP uu maanta kala qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayna warbixin ka siiyeen shirkii dhawaan Addis Ababa lagu soo gaba gaboobay ee dib u eegista barnaamijka Dayn Cafiska Soomaaliye ee SMP4.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirku inay ka go’an tahay fulinta iyo hore u sii wadida wax walbo oo lagu gaarayo cafinta deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyay dadaalka ay u gashay sidii deynta looga cafin lahaa dalka Soomaaliya,isagoo kula dardaarmay inay qorshahaas sii labo jibaaraan ilaa laga gaaray marka ugu danbaysa oo la isku raacayo in lacafiyo malaayiinta dhaqaalaha ah ee dalka Soomaaliya lagu lahaa mudadii badnayd ee dowlad la’aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here