Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo gudoomiyaya Kulan Dayn-Cafiska looga hadlayay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Shir guddoomiyay Kulan gaar ah oo looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka Soomaaliya kasoo ay qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.
Kulankaan ayaa la isaga xog wareystay heerarka kala duwan ee uu soo maray dadaalka deyn cafinta Soomaaliya oo meel wanaagsan hada soo gaadhay, iyo u diyaar garowga shirka sannadlaha ah ee dhacaya bishaan October.
Ka qayb galayaasha shirka oo kamid ah ergada shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ammaanay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Tilmaamay inuu cadyahay ajandaha muhiimka ah ee deyn cafinta Soomaaliya, uuna udub dhexaad u yahay dhammaan qorsheyaasha dib-u-habeynta ee socda, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weynyihiin in dalkooda deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsanyihiin in dayn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qaybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka oo dhan.
Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha madashaas in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen Canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka laga sameeyay dhanacyo Badan oo Maaliyada ka mid tahay.
Kadib Cafinta Balaayiinta Dollar ee dalka Soomaaliya lagu leeyahay ayaa waxay dalka u oggoolaaneysaa maal-gelinta hourmarineed ee waqtiga fog, waxayna sidoo kale sare u qaadeysaa dakhliga gudaha iyo maal gelinta caafimaadka waxbarashada iyo biyaha, ayadoo albaabada u furayaa balaayiinta doollar ee sanaadiiqda horumarinta adduunyadu ku bixiyaan wadamada soo koraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here