Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo heshiisiiyay beelo ku dagaalamay gobolka Galgaduud.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inuu heshiis dhex dhigo beelo walaalo ah oo colaado ay ku dhexmareen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Ra’iuslwasaare Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in saxiixa heshiiskaan uu guul u yahay Jiilalka danbe ee Soomaaliyeed uuna qayb ka qaadanayo hormarka gobolka iyo midka guud ahaan dalka.

 

Qodobada ugu Muhiimsan ee Heshiiskaan ayaa waxaa ka mid ah in la isku celiyo hantida maguurtada ah sidoo kalena la abuuro waji nabdoon oo saamaxaya inay dadkaas walalaha ah ku wada noolaadaan.
Gudoomiyah gudiga dib u heshiisiinta Galmudug C/raxmaan C/laahi Baadiyow ayaa warbaahinta u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee Heshiiskaan.

 

Odayaasha labada dhinac ayaa heshiiskaan uu ra’isulwasaaraha xukuumadu garwadeenka ka ahaa soo dhaweeyay waxayna Balanqaadeen inay dhaqan Galinayaan.

 

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, Xildhibaan Zakiye iyo xildhibaanada Duniyo oo labada deegaanadaas laga soo doortay ayaa Ra’isulwasaaraha ugu mahadceliyaya dadaalkiisa waxayna sheegeen in nabada iyo wada noolaanshuhu ay tahay waxa ugu muhiimsan ee bulshada ka dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here