Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay weerarada shabaab ku gaystaan Muqdisho iyo Afghooye dhexdooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka soo horjeedaan hormarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidoo kalena ay weeraro badan ku qaadeen mashaariic lagu hormarinayo dalka Soomaaliya iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.
Ra’isulwasaaraha ayaa Tusaale u soo qaatay Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo tiro dhowr mar ah Al-shabaab ay weeraro ka gaysteen.
Xassan Cali Khayre Ra’siulwasaaraha Soomaaliya Wuxuu sheegay in Ciidanka Ammaanka ay marar badan ka hor tageen weeraro badan oo ay ku qaadeen Al-Shabaab dadka ku howlanay Dhismaha Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ra’isulwasaaraha ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay kasoo horjeeddaan Mashaariicda lagu hormarinaayo dalka marnabana aysan dowlada Soomaaliyeed iyo dhalinyaraduba u dulqaadan doonin dhibaatooyinkaas.
Sido kale Waxaa uu ugu baaqay Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka inay la shaqeeyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed si loo xoojiyo Xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Xassan Cali Khayre Ra’siulwasaaraha Soomaaliya Wuxuu hadalkaan ka sheegay shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho shirkaas ayaana waxaa la qabtaa Sanadkiiba halmar ayadoo looga hadlo arimaha dhalinyarada gaar ahaan sida lagu hormarin karo iyo xal u helida caqabada ay dhalinta Soomaaliyeed wajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here