Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo kulamo uga qaybagalaya Washington.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Magaalada Washington ee Caasimada dalka Maraykanka kaga qayb galaya shir ay isugu yimaadeen wadamada Deeq_bixiyayaasha oo looga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay ay qireen in Soomaaliya guul muhiim ah ka gaartay horumarinta iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka iyadoo masuuliyiinta Soomaaliya ay balan qaadeen sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya si ugu danbayn wadanku u gaaro in laga Saamaxo dhamaan lacagaha daymaha ah ee lagu leeyahay.
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la filyaa in maalmaha soo socdo uu ka qeyb-galo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF) oo lagu qabanaya isla magaalada Washington waxyaabaha looga hadlayana ay ka mid tahay marxalada uu soo maray barnaamijka Dayn Cafiska Soomaaliya iyop waxyabaah ay dowlada dhexe ku guulaysatay ilaa iyo hada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here