Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Ra’isulwasaare ku xigeenka Qatar

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa oo Howlo shaqo ku Jooga wadan Qatar ayaa Kulan gaar ah la qaatay Ku Xigeenka Ra’isulwasaaraha wadankaas Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.
Qoraal kooban oo ra’isulwasaare Xassan Cali Khayr uu soo dhigay bartiisa Rasmiga ah ee Facebookga ayuu ku ku sheegay inay kulankaas kaga wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya Xariir aad u wanaagsan waxana marar badan dalkaas Booqashooyin ku tagay masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ugu Saraysa.
Dhawaan ayuuna Ra’isulwasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo wadankaas howlo shaqo ku tageen ayagoo wali ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimada wadanka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here