Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo la dardaarmay Saraakiil uu Tababar u socdo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo halkaas uu tababar uga socdo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta ciidanka qaranka ku Tababaraya Xerada Gen. Goordan ayaa dhanka kalena askarta ku dhiirri geliyay inay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalkooda Nafta u horay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada Kali ah ee ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo inay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamada Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

 

Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here