Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Xubnaha dowlada dhexe uga Mid noqonayo gudiga doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha Guddiyada oo ka kooban 15 Xubnood ayaa waxaay noqonayaan kuwo lagu dhameystirayo min 8-da Xubnood ee ka imaanaya dhinaca Shanta Maamul Goboleed ee dalka Soomaaliya ka Jiray.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidoo kale magacaabay xubnaha Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga oo doorashadoodu ay ka dhaxeyso Magaalada Muqdisho.
Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood waxaa kaliya ay maamuli doonaan doorashada Xildhibaannada Beelaha Banaadiriga ee lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ay kasoo baxday Warqadda Magacaabista Guddiga ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay Warqadda in doorashada Xildhibaannada Beelaha Banaadiriga ay u dhaceyso habraaca soo jireenka ahaa ee Horay loogu dooran jiray.
Dhanka kale Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo Magacaabin Guddiyada doorashooyinka ee heer Maamul Goboleed, sababo la xiriira Xubnaha mucaaradka iyo musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Guddiyadii horay loo Magacaabay ay ku jiraan Xubno ka tirsan Hay’da NISA iyo Shaqaale ka tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa Wali taagan dooda ku saabsan in Xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugida & Sidroonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ay ku jiraan gudiyada doorashooyinka ay soo magacaabeen dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada qaarkood.
Musharixiinta Madaxweynaha & Xubnaha mucaaradka ayaa qaadacay Gudidyada, iyagoo dhowr Mar sheegay in Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha dowladda lagu soo daray, isla markaana aan lagu kalsoonaan Karin.
Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabdsugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in guddiyada la soo magacaabay ay ku jiraan xubno uu yaqaano oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay.
Wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacada ku yaalada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa uu sidoo kale kaga hadlay hadalkii uu shalay munaasabad ka dhaceysay Tiyaatarka Qaranka uu ka sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guulled ee ahaa in doorashada Soomaaliya wareega 1aad lagu kala bixi doono si lamid ah doorashooyinkii ka dhacay, Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle.
Dalka Soomaaliya ayaa hada wuxuu Galay Marxalad doorasho dhanka kalena wali waxaa taagan cabashooyin ay qabaan mucaaradka iyo musharaxiinta oo ku saabsan gudigada doorashada agaasimaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here