Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo wada hadaalo lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalay gobolka Galgaduud.

Waxaa maanta markii sadexaad dib u dhacay shirka dib u heshiisiin beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug oo lagu waday inuu arbacada Maanta ah ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.
Guddiga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay inuu dib-u dhacay furitaanka Shirka oo qorshuhu ahaa in maanta uu Dhuusamareeb ka furmo.
Siodo kale Guddiga ayaa sababta keentay dib u dhaca ku sheegay inay tahay sababo farsamo la xiriira awgeed, isla markaana uu maalinta barrito ah furmayo shirka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waday in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu gogol xaari lahaa dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kulan kula qaatay odayaasha iyo wax-garad ka socda deegaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda seddax sano ah ay u dhexeysay colaad soo jiitamaysay
Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada deegaannadaas ku matala dowladda dhexe, ayaa qayb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu Ra’iisul Wasaare Khayre soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan oo uu Socdaal ku tegay deegaanada Huurshe iyo Xeraale uuna labada dhinac kala hadlay Soo af-jaridda codaalla dhexdooda ah iyo furidda bog cusub oo nabadeed.
Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad Celiyay dadaalka hagar la’aaneed ee uu ku raadinayo Nabada dadka walaalaha ah, waxayna wararku sheegayaan inay ballan qaadeen ka shaqeynta nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta deeganka iyo bulsha si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta dadaallada nabadda iyo horumarka iygana laga doonayo inay dowrkooda nabaddoonnimo qaataan oo daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka dadka iyo deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qayb ka qaadanaya wadajirka iyo isdhex galka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here