Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Xil u magacaabay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ahaa gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye inuu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horey u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.
Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee maamul gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaan loo doortay Amb Cali Siciid fiqi oo isna horey u ahaa Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.
Magacaabista xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda ganacsiga ee guddoomiyihii golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed ayaa waxaay kusoo aadeysaa xilli Baraha bulshada lagu faafiyey Warbaahinta qaarkoodna ay qoreysay in uu Xabsi guri ku yahay Magaalada Baydhabo wararkaas oo hada ay soo baxday inay waxba kama jiraan ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here