Ra’isulwasaare Khayre oo Booqday Askar ku dhaawacantay shabeelada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga Dalka ku booqday askar ka tirsan Ciidanka xoogga oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose,halkaasoo Shalay ay AL-shabaab weerarkii ku qaadeen xerada Ciidamada.
Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka ku soo dhaawacmay qarankooda iyo ummadda Soomaaliyeed ayaa dhaawacyadaas u soo kabasho deg deg ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan ayaa lagu Yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’isulwasaaraha
Ciidamada kusoo dhaawacmey weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee gobolka shabeelada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha a Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre yaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka ku sugan uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidi Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here