Rajapaksa oo loo doortay madaxweynaha Sri Lanka

Guddiga doorashooyinka ee dalka Sri Lanka ayaa ku dhawaaqay in natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinnimo ee shalay wadankaasi ka dhacay uu ku guulaystay Gotabaya Rajapaksa.
Ninkan ayaa horay u soo noqday xoghayihii gaashaandhigga ee dalkaas.
Waxaa uu Rajapaksa helay boqolkiiba 52.25 ee codadkii la dhiibtay halka musharaxii loolanka adag uu kala dhexeyay Sajith Premadasa uu soo hooyay codad dhan boqolkiiba 41.99 in kastoo uu saacado ka hor gacmaha taagtay oo uu qirtay in tartanka lagaga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here