Raphael Tuju oo labo bilood kaddib ka soo kaban doono shilkii uu galay

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju uu labo bilood kaddib ka soo kaban doono dhaawac ka soo gaaray shil uu dhawaan galay.
Mr. Tuju oo markii ugu horresay ka soo hor muuqday dadweynaha kaddib markii dalka Ingriiska loogu qaaday daaweyn dheeraad ah ayaa hadda socon karaya isaga oo aan wax caawimaad ah u baahneyn.
Waxaa uu dhaawac ka soo gaaray shil gaari 12-kii Febraayo xilligaas oo uu ka qeeyb gali rabay aaska madaxweynihii hore ee dalka Daniel Moi.
20-kii bishaas ayaa loo qaaday Ingriiska si uu u helo daaweyn dheeraad ah waxana la socday qoyskiisa.
Waxaa dalka dib loogu soo celiyay Sabtidii waxaa uuna ku sugan yahay isbitaalka Karen ee magaaladatan Nairobi.
Premanand Promoth, oo ah madaxa qalliinka ee isbitaalka Karen ayaa sheegay in Mr. Tuju uu si tartiib ah u bogsan doono siddeeda ila iyo 12-ka bilood ee soo socda, qaasatan feeraha oo uu dhaawaca ugu weyn ka soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here