Rasaas digniin ah oo lagu furay doonyo dagaal oo ay wateen ciidanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan

Shan doonyaha dagaalka oo la rumeysan yahay inay wateen Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa rasaas digniin ah lagu furay, kadib, markii ay u soo dhawaadeen Markab Booyadle Shidaal oo dalka Britain laga lahaa, kaasi oo marayey Biyaha Gacanka Carbeed.
Markabka Dagaalka ee loo yaqaano Montrose oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda Ingriiska ayaa la sheegay inuu doonyahaasi dib u waabiyey, kadib, markii uu ku furay rasaas digniin, taasi oo sababtay inay Doonyaha Iiraan dib u laabtaan .
Sarkaal Maraykan ah oo goobjoog u ahaa dhacdadaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Markabka Shidaalka ee Britain marayey dhinaca Waqooyi ee laga soo galo Gacanka Hormuz, xilligii ay Doonyaha Iiraan isku tijaabiyeen inay qafaashaan.
Dhawaan ayay hayd markii uu Madaxweynaha dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani uu ugu hanjabay inay Britain cawaaqib-xumo kala kulmi doonto Markabka Iiraan ee ay isbuucii hore ka qabteen Badda Caalamiga ee u dhow wadanka spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here