Rasaas laga maqlayay xaafadda Ikoyi ee dalka Nageria

Israsaaseyn ayaa lagu soo waramaya inay ka dhacday xaafadda hodanka ah ee Ikoy oo ku taala magaalada Lagos ee dalka Nageria sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegay in dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen Ikoyi iyadoona ay gubteen dhismooyiin iyo gawaari.
Waxaana xaafadaas laga arkayay qiiq cirka isku shareeraya.
Ciidamo dhawr ah ayaa la geeyay magaalada Lagos si xaalada halkaas ka taagan loo dajiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here