Rasaas xoogan oo laga maqlayo saldhiga ciidamada Mali

Ciidamada ayaa rasaas ku riday meel u dhaw caasimada Mali, Bamako, iyadoo safaaradda Norwey ay kahadashay suurtagalnimada gumaad millatari iyada oo ay jirto qalalaase siyaasadeed oo ka socda gobolka Sahel.
Askartan ayaa Talaadadii rasaas hawada ku tuuray saldhiga kuyaala magaalada Kati, oo ah meel u jirta 15km (sagaal mayl) Bamako, halka goobjoogayaashu ay sheegeen in taangiyada gaashaaman iyo gawaarida milatariga lagu arkayo jidadadka.
Qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda iyo saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale la soo sheegay in la qabtay laakiin ma cadda cidda ay yihiin.
Sidoo kale ma cada cidda ka dambaysay xasillooni darrada ama halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita – oo wajahayay toddobaadyo mudaaharaadyo mucaaradka ah oo ku baaqaya bixitaankiisa.
Wararka ayaa sheegaya in loo qaaday meel aamin ah.
Horaantii, Safaaradda Norwey ee Maali ayaa digniin ku siisay muwaadiniinteeda: iyadoo tiri “Safaaradda waxaa la ogeysiiyay inay feejignaadaan oo wax ku noqdeen ciidammada Qalabka Sida, ciidamaduna waxay ku sii jeedaan magaalada Bamako.. ”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here