Rashiid Qaasim oo sheegay in Al-shabaab ay halis ku tahay dowlad wadaajinta

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Wajeer Rashiid Qaasim Aamiin ayaa sheegay in weerarrada argagixiso ay halis ku yihiin maamulka la daadajiyay ama nidaamka dowlad wadaajinta ee dalka ka dhaqangalay sannadii 2013-kii.
Waxaa uu ku baaqay in la sameeyo dadaal dheeraad oo arrintan wax looga qabanaya.
Mr. Aamiin ayaa xusay in argagixisada ay saameyn ku yeelatay horumarka deegaanka.
Mudanaha ayaa tacliinta, caafimaadka iyo gaadiidka ku sheegay dhinacyada ay saameynta ugu badan soo gaartay.
Weerarro dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ayaa sababay in macallimiinta dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaannada kale ee dalka ay isaga soo tagaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen iyagoo dalbanaya in la soo wareejiyo.
Sido kale waxaa dhawaan gobolka ka qabsoomay shirar ay madaxda siyaasadeed, laamaha ammaanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kaga arrinsanayeen xal u helidda dhibaatada soo noqnoqotay ee dhinaca ammaanka.
Hadalka xildhibaanka bariga Wajeer ayaa sido kale imaanaya iyadoo dhawaan shir ay yeesheen madaxda siyaasadeed iyo laamaha ammaanka ee Wajeer laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 18 qodob oo kala ah.
1. In la aqoonsado shakhsiyaadka looga shakiyo inay Al-Shabaab xubno ka yihiin ,qaraabadooda iyo dadka beer jilleeca u muujiya.
2. Saraakiisha ammaanka iyo booliska qaran ee keydka in iyagoo lugeynaya ay maleeshiyada uga daba tagaan duurka.
3. In la xoojiyo barnaamijka Nyumba Kumi ee ay xaafadaha dariska ah isaga war qabaan si gacanta loogu dhigo qof kasta oo aan la garan ama halkaas ku cusub.
4.In la diiwaangeliyo qoryaha sharci darrada ee ku jiro gacanta xoolo dhaqatada sido kalena lala yimaado istaraatiijiyad lagu aqoonsanaya dadka sumcadda wanaagsan ee gacan ka gaysan karo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
5. Dadweynaha in wacyigelin loo sameeyo oo fursad loo siiyo soo gudbin macluumaadka ay hayaan ee dhanka sirdoonka ah ama waxyaabaha ay ka shakiyaan.
6. In qof kasta oo laga shakiyo ama aan la garaneyn lagu war geliyo saraakiisha ammaanka.
7. Dhammaan madaxda inay ka war qabaan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ama kuwa lagu tuhmayo Al- Shabaab ee deegaanadooda ka jiro.
8.Xubnaha hannaanka isku dubarida ee dowladda dhexe sida ku xigeenada jiifafka ama guddoomiye xaafadeedyada ilaa iyo ku xigeenada guddoomiyaasha ee deegaanada inay mar kasta ku sugnaadaan meelaha ay ka shaqeeyaan.
9. In la wanaajiyo kalsoonida ka dhaxaysa shacabka iyo ciidamada ammaanka si loo helo xog run ah oo la isku haleyn karo.
10. Laamaha ammaanka inay qaadaan tallaabooyin iyo falcelin degdeg ah marka warbixin loo soo gudbiyo.
11. In dhibaatada Al -Shabaab si cad looga hadlo iyadoo aan laga cabsaneyn in qofka la dabagalo ama hadalkiisa loo qabto.
12. In laga fogaado waxyaabaha si fudud kala qeybsanaanta ku keeni karo sida qabyaaladda , siyaasadda iyo kala duwanaanshaha diimeed si argagixisada aynan waddo ugu furmin.
13. Laamaha ammaanka in la siiyo hubka noocyadiisa casriga iyo qalabka ay u baahan yihiin ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay u adeegsan karaan.
14. In dhiirigelin loo sameeyo ama laga farxiyo saraakiisha booliska keydka ama NPR iyo muwaadin kasta oo falalka Al -Shabaab ka hor tago.
15. Culimaaudiinka inay shacabka la wadaagaan oo ayna u caddeeyaan waxa diinta islaamka ay ka qabto dilka bani’aadanka.
16. Saraakiisha ammaanka inay ilaaliyaan oo aynan dusin xogta ama macluumaadka iyo sido kale qofkii u soo sheegay.
17. In la wanaajiyo qaabka loo wadaago arrimaha sirdoonka iyadoo si qoto dheer loo eegaya warbixinta la soo gudbiyo iyo in saraakiisha sirdoonka oo badan ay ka howlgalaan deegaanada.
18. In madaxda ay ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo sidii kheyraadka la haysto loogu adeegsan lahaa la dagaalanka Al- Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here