Rasmi: Ardayda fasalada qaar ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare oo toddobaadka dambe dib ugu laabanaya iskuulada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof. George Magoha ayaa maanta ku dhawaaqay xilligga dib loo furayo dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.
Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan dugsiyada dowladda iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay dib loo furi doono maalinta Isniinta ee toddobaadka dambe taarikhduna tahay 12-ka bishaan ee Oktoobar.
Bayaan uu soo saray wasiirka ayuu ku sheegay in ardayda heerka ama fasalka afaraad, fasalka Sideedaad ee dugsiga hoose dhexe iyo ardayda fasalkaa afaraad ee dugsiga sare ay dib ugu soo laabanayaan dugsiyada toddobaadka dambe.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay jaamacadaha iyo machadyada farsamada ee dalka ay dib u billaabeen howlahooda iyadoo loo marayo wajiyo kala duwan.
Dugsiyada dalka ayaa xiranaa tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan xilligaas oo gudaha dalka laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa corona.
Wasaaradda waxbarshada ayaa ku amartay dhammaan dugsiyada inay hubiyaan isticmaalka agabka looga hortagga cudurka Covid-19 sida maaskarada sanka iyo afka lagu xirto, gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano hand sanitizer iyo mashiinta heerkulka lagu baaro.
Ardayda dib ugu laabanaya dugsiyada toddobaadka dambe ayaa waxay sii wadi doonaan waxbarashadooda illaa 23-ka bisha Diseembar ee sannadkan markaasoo xilli-dugsiyeedkii labaad uu dhammaan doono ka hor intaa aan la aadin fasaxa ciida masiixiga oo ah hal-toddobaad.

Ardayda waxay heli doonaan hal toddobaad oo nasasho ah halka xilli dugsiyeedka saddexaad uu bilaaban doona 4-ta bisha Janaayo  ee sannadka  2021, waxaana dugsiyada la xiraya 19-ka bisha Maarso isla sannadkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here