Riek Machar iyo xaaskiisa oo Covid-19 laga helay

Kuxigeenka madaxweynaha dalka Suudaanta konfureed Dr .Riek Machar iyo xaaskiisa Angelina Teny ahna wasiirka gaashaandhigga ayaa laga helay cudurka coronavirus.
Dhanka kale tiro kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo ilaaliyaasha ayaa sidoo kale laga helay cudurka
Dr Machar ayaa telefishanka dowladda ka sheegay in uu keligiis meel gaar ah 14 maalmood isku karantiili doono.
Ilaa iyo hadda, Koonfurta Suudaan waxaa laga xaqiijiyay 347 kiisas iyo lix dhimasho ah ee cudur sidaha covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here