Robert Alai oo lagu siidaayay 300 oo kun oo damiin lacageed ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaaladatani Nairobi ayaa Robert Alai oo ka mid ah dadka sida weyn wax ugu qoro baraha bulshada gaar ahaana Twitarka ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 300,000 oo shilin.Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii Mr. Alai uu iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ahaa inuu baraha bulshada ku faafiyay sawirro muujinaya ciidamo lagu dilay weerarkii bishii hore ka dhacay Wajeer.
Garsoore Francis Andayi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa ku dhawaaqay in kiiska uu Alai wajahayo mar kale la soo hadal qaadi doono maalinka khamiista.
Ciidamada la dagaallamo argagixisada ayaana fursad loo siinaya inay soo gabagabeyaan baaritaanada ku aaddan in eedeysanaha uu garab siiyay cadowga dalka.
Saraakiisha dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda ka codsaday inay Robert Alai xabsiga ku sii hayaan 30 maalmood si ay baaritaanada ka dhanka ah u soo afjaraan balse waxaa loo ogolaaday oo keliya 14 maalmood.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa weerarkii Wajeer ka dhacay ee 7-da sarkaal lagu dilay kaddib dadweynaha uga digtay inay faafiyaan waxyaabo ka turjumaya khasaare Kenya ka soo gaaray weerar argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here