Roob Sababay dhimasho & dhaawac oo ka da’ay Gobolka Galgaduud

Roob geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka da’ay magaalada Baxdo oo ka tirsan Gobolka galguduud.
Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Baxdo ee hoos timaada Cadaado ku dhintay gabar yar halka ruux kale uu dhawaac kasoo gaaray kadib markii uu hoygii ay degenaayeen uu ku dumay.
Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar kale ayaa lagu dabiibayaa Cisbitalka magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here