Roob xooggan oo ka da’ay Wajeer

Wararka naga soo gaaraya magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka da’ay roob lixaad leh.
Roobka oo socday saacado badan ayaa sababay in biyo ay la fariistaan suuqyada ganacsi ee magaalada wajeer .
Bilooyinkii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah dalka ka da’ayay roobab ay ka dhalatay saameyn dhinaca gaadiidka iyo isku socodka bulshada ah.
Hasa ahaate dowladda ayaa ku dadaalaysa inay caawiso dadka ay saameynta ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here