Roobab ay Saamayn ka dhalatay oo ka da’ay deegaano ka tirsan Soomaaliland

Wararka ka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay ka da’ayeen Roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, maadaama halkaas uu ka jiray kuleyl.
Roobabka oo ahaa kuwo dabeylo watay ayaa waxay si weyn uga da’deen deegaanka lagu magacaabo xudun ee Gobolka Sool, wuxuuna roobka biyo badan dhigay waddooyinka ku yaalla halkaas ayadoo isu socodka uu saamayn ku yeeshay sida ay warbahainat guduhu tabisay.
Warbaahinta Soomaaliya qaarkeed ayaas heegtya in raababkaas ay waxyeelo ka dhalatay oo halkaas uu hal qof ku dhintay mid kalena ku dhaawacmay.
Guddoomiyaha deegaanka Xudun oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Roobka markii horey lagu diirsaday, hayeeshee uu burburiyay in ka badan 20 guri oo isugu jiray Jiingado iyo kuwo Sar aha, maadaama uu watay dabeylo xoogan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha deegaanka Xudun ee Saamayntu soo gaadhay ayaa tilmaamay in dadkii deganaa guryaha dumay ay la’yihiin hoy, wuxuuna hay’adaha gargaarka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaran dadka halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here