Roobab culus oo la filayo inay ka da’aan Waqooyi Bari

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la rajeynayo in maanta ilaa iyo berri roobab heerkoodu yahay in ka badan 20 miliimitir ay ka da’aan gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Roobabka ayaa la saadaalinaya inay ku sii fidaan gobollada bartamaha , galbeedka iyo qeybo ka mid ah xeebta iyo Koonfurta bari.
Ismaamullada roobabka ay ka da’i karaan ayaa lagu kala sheegay Kajiado,Narok, Bomet, Kericho, Garissa, Wajeer, Mandera, Tana River , Isiolo, Samburu, galbeedka Pokot, Turkana, Marsabit, Tharaka Nithi, Laikipia, Kiambu, Murang’a, Meru, Kitui, Elgeyo Marakwet, Baringo, Nakuru, Migori, Kisii, Nyamira iyo Homa Bay.
Waaxdan ayaa dhammaan dadka deggan ismaamullada la soo sheegay ku boorisay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan maadaama laga cabsi qabo inay daadad saameyaan.
Sido kale dadweynaha ayaa lagu wargeliyay in fatahaadaha ay xita saameyn karaan meelaha uunan roob xooggan ka da’in.
Digniinta waaxda saadaasha hawada ee dalka waxaa ka mid ah inaan baabuur lagu dhex kaxeyn biyaha, in dadka ay ku dhex socdaan biyaha ama ay gabbaad ka dhigtaan geedaha.
Dadka ku nool meelaha u nugul dhul go’a ayaa lagula taliyay inay aad u feejignaadaan.
Waxaa waaxdan laga soo xigtay in roobabka ka da’aya meelo badan oo wadanka ka mid ah la filayo inay sii socdaan ilaa dhammaadka bishan 12-aad ee Diseembar.
Sido kale waxaa buuxsamay webiyo iyo biyo xireeno dhowr ah oo laga cabsi qabo inay karkaarrada jabsadaan.
Qoraal la soo dhigay baraha rasmiga ee Facebook-ga iyo twittarka ee waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa muujinaya in farriintan iyo digniinta la xiriirta lala wadaagay wasaaradda arrimaha deegaanka iyo keymaha, hay’adda laanqeerta cas Kenya, maamulka qaran ee maareeya musiibooyinka, madaxtooyada iyo waaxyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here