Roobab culus oo la saadaalinayo inay ka sii da’aan dalka

Waaxda saadaasha hawada ee wadanka ayaa sheegtay in la rajeynayo in roobabka culus ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka ay sii socdaan ilaa dhammaadka bishan Diseembar.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si gaar ah saameynta dhul go’a iyo webiyada karkaarrada jabsanaya.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday agaasime ku xigeenka waaxda saadaasha hawada ee dalka Bernard Chanzu oo xusay in roobabka intooda badan la filayo inay ka da’aan galbeedka , Nyanza iyo Rift Valley.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saameynta ka dhalatay roobabka xooggan aynan ku koobneyn Kenya oo keliya balse sido kale wadamada Tanzania, , Uganda, qeybo ka mid ah Rwanda, Koonfurta Soomaaliya , Burundi iyo Itoobiya.
Mr. Chanzu ayaa digniin gaar ah u diray dadka deggan meelaha u nugul dhul go’a wuxuuna kula taliyay inay u guuraan goobaha uu jooggoodu saareeya.
Sido kale mas’uulkan ayaa dadweynaha ugu baaqay inay si dhow ula socdaan oo aynan fududeysan digniinnada ay waaxdu soo saarto iyo warbixinnada ay tabinayaan warbaahinta dalka.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 132 qof ay ku dhinteen guud ahaan wadanka tan iyo markii ay roobabka billowdeen.
Mr. Oguna ayaa intaasi ku daray in daadadka ay guriyahooda ka barakiciyeen 17,000 oo qof.
Maareeyaha hay’adda laanqeerta cas Kenya ee gobolka xeebta Xasan Muusa ayaa sheegay in fatahaadaha ay 1,112 people ku saameeyeen ismaamulka Tana River, 302 dowlad deegaanka Taita Taveta iyo 60 qof ismaamulka Kilifi .
Ismaamullada laga cabsi qabo inay roobabka saameyn dheeraad ah ku yeeshaan ayaa waxaa ka mid ah Nairobi, Narok, Kajiado, Bomet, Kericho, Nakuru, Migori, Nyamira, Kisii, Homa Bay, Kisumu ,Siaya,Busia, West Pokot, Uasin Gishu, Baringo, Nandi, Trans Nzoia, Bungoma, Kakamega iyo Elgeyo Marakwet.
Ilaa iyo hadda dhibaatooyinka ugu badan ee ka dhashay roobabka ayaa laga soo tabiyay Lamu, Kwale, Mombasa, Kilifi, Tana River , Taita Taveta , Mandera, Wajeer, Turkana, Garissa, Samburu, Isiolo, Marsabit, Makueni, Kitui, Machakos , Embu Meru ,Tharaka Nithi,Baringo, West Pokot, Elgeyo , Marakwet , Kisumu, Homa Bay, Migori, Siaya, Kisii, Trans-Nzoia, Busia iyo Bungoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here