Roobab dheeraad oo la saadaalinaya inay da’aan

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in qeybaha kala duwan ee dalka ay muddo hal toddobaad ah ka da’aan roobab culus.
Meelaha la filayo inay roobabka ka da’aan waxaa ka mid ah koonfurta galbeed ee dalka , bartamaha iyo Nairobi.
Roobabka ayaa la sheegaya inay gaari karaan heer ka badan 20 miliimitar.
Sido kale waxay saadaashu tahay in roobabka ay maanta ka da’i karaan galbeedka , koonfurta bari , xeebta iyo waqooyi bari.
Laga billaabo berri waxay saadaashu tahay in heerka roobabka ay kor u dhaafi karaan 30 miliimitar.
Ismaamullada laga cabsi qabo inay arrintan saameyn ka soo gaarto ayaa kala ah Nairobi, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Laikipia, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyaga, Tharaka Nithi, Kitui, Machakos, Makueni, Taita Taveta, Busia, Kisii, Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Baringo, Samburu, West Pokot, Narok, Migori, Nandi, Trans Nzoia, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Vihiga, Bungoma, Homa Bay, Busia, Kisumu, Siaya, Kakamega, Kajiado, Nakuru, Isiolo, Marsabit, Mandera, Wajeer, Mombasa, Kwale, Kilifi, qeybo ka mid ah Tana River iyo Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here