Roobab ka da’ay Galgaduud oo ay dad ku dhinteen

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka da’een roobab Xooggan oo khasaare Nafeed gaystay.
Khasaaro sababay dhimasho iyo burbur hantiyadeed ayaa ka dhashay roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Galmudug.
Roobkaan oo saacado badan socday ayaa ka da’ay Degaanka Shiiqaaleey oo dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Dhusamareb Bali-cadna Dhanka Bari kaga beegan, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku Geeriyootay Gabar 7 Sano jir aheyd halka ay ku dhaawacmeen Carruur kale iyo Hooyadii ka dib markii uu ku habsaday Geed Qurac ah oo Dabayshu kusoo riday.
Wararka ayaa intaasi ku darayaa in roobka uu dabeylaha Xoogan watay sidoo kale uu khasaaro hantiyadeed ka geystay degaanka Xeraale,isla markaana ay burburtay Taawarkii isgaarsiinta Somtel ee Magaaladaasi ku yaalay,sidoo kalena ay dumeen Guriyo Dhowr ah sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya.
Qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaannada uu Roobka ka da’ay ayaa gurmad u sameeyay qoysaska uu saamaayey Roobkaan Mahiigaanka ahaa,waxaana la filayaa in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay gaaraan deegaanada dhibaatooyinka laga soo tabinayo.
Dhanka kale Magaalada Baledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa mar kale ku fatahaado wabiga Shabeelle, oo sanadihii ugu dambeeyey ay dhibaato ku qabeen biyaha ka soo baxaya dadka degan magaaladaasi.
Fatahaadahaan cusub, oo yimid xilli ay socdeen dadaallo lagu xakameynayo biyaha ka soo baxaya wabiga ama lagu yareynayo khasaarahooda, ayaa keenay barakac kale oo ay dadka magaaladu sameynayaan.
Muddo 7 bilood ayaa laga joogaa fatahaadii ugu dambeysay ee dhacay Magaalada Beledweyne bishii October sanadkii hore ee 2019, taasoo sababtay khasaare nafeed iyo mid maal oo soo gaadhay Bulshada reer Beledweyne.
Qaar kamid ah dadka weli ku haray Magaalada Beledweyne ee aan barakacin ayaa sheegay in Magaalada ay buux dhaafiyeen Biyuh,isla markaana badi dadka ay halkaas isaga guureen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here