Roobab la filayo inay ka da’aan qeybo ka mid ah dalka

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la rajeynayo in rooban culus oo ka sarreeya 70 miliimitir ay ka da’aan qeybo ka mid ah ismaamullada Laikipia, Nyandarua, Baringo, Marakwet, Uasin Gishu, Samburu iyo galbeedka Pokot.
Qaar ka mid ah deegaannada Turkana, Laikipia, Nakuru iyo Marakwet ayay waaxda saadaalisay inay ka di’i karaan roobab u dhexeya 50 ilaa 70 miliimitir.
Waxay sido kale saadaashu sheegaysaa in roobab fudud oo ah 10-50 miliimtir ay ka di’i karaan Kericho, Trans Nzoia, Bugoma, Nandi, Kericho, Nakuru, Kakamega, Kisii, Nyamira, Bpmet, Kisumu, Busia, Meru, Nyeri, Kirinyaga iyo Turkana .
Ismaamullada sida Nairobi, Machakos, Kajiado, Narok, Makueni, Embu, Garissa, Tana River, Wajeer, Isiolo, Taita Taveta, Mandera, Marsabit iyo gobolka xeebta ayaa la filayaa inaynan roobaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here