Roobab la filayo inay maanta ka billowdaan qeybo ka mid ah wadanka

Waxaa la rajeynayaan in laga billaabo maanta ay roobab ka da’aan qeybo ka mid ah dalka sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee Kenya.
Waaxda ayaa shaaca ka qaaday in maanta ilaa 10-ka bishan la filayo in ay qaar ka mid ah ismaamullada dalka ka da’aan roobab heerkoodu yahay in ka badan 70 miliimitir.
Dowlad deegaanadan ayaa kala ah Laikipia, Baringo, Samburu, Elgeyo-Marakwet, Galbeedka Pokot, Trans Nzoia, Uasin Gishu iyo Nakuru .
Qeybo ka mid ah Nairobi, Kiambu, Embu, Machakos, Kitui, Tana River, Kajiado, Narok, Migori, Makueni, Embu, Garissa, Wajeer, Isiolo, Taita Taveta iyo Mandera ayaa la saadaalinayay inaynan roobab ka da’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here