Roobab Qasaare Gaystay oo Soomaaliland ka da’ay

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in Saacadihii la soo dhaafay ay Roob dabelyo xoogan watay ka da’een Degmadda Sallaxley oo ka mid ah degmooyinka Gobolka ay Soomaaliland u taqaan Maroodi Jeex oo Caasimada Hargaysa ay ka tirsan tahay kaasoo sababay khasaaro hantiyadeed.
Wararka ayaa waxaay sheegayaan in Roobka dabeylaha watay uu khasaaro garsiiyay Xarumaha Maamulka iyo Guryo ay deganaayeen Dad Shacab ah walow uusan ka dhalan khasaaro nafeed.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Soomaaliland Jaamac Xaaji Axmed ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay meelaha khasaaraha uu gaarsiiyey ay kamid yihiin Dugsiga Sare ee Degmadda, kii Hoose dhexe ,Isbitaalka,Guryo fara badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa uu sheegay in hal qof oo dumar ah ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Dhismaha Isbitaalka degmada oo dabaylahaasi saameeyeen, iyadoo dhamaan bukaanadii Isbitaalka jiifay laga saaray si aysan dhibaato u gaarin.
Maamulka degmada Sallaxley ayaa dhankooda waxay sheegeen inay tirakoob rasmi ah ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhasha roobkaasi dabeylaha watay,kaasoo sameyn weyn ku reebay Bulshada degmada iyo Maamulkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here