Roobab Saamayn yeeshay oo ka da’ay Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay halkaas ka barkaceen qoysas lagu qiyaasay ilaa 10,000 (Toban kun) oo qoys kuwaasoo inta badan ka barkacay xaafadaha Xaawo Taako laanta dhagax jibis, Kooshin iyo laanta kutibo,ayna gaareen deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne.
Wararka la helayo Halkaas ayaa waxaay sheegayaan in dhibaato dhanka nolosho ah ay heysto qoysaskaas,isla markaana aysan jirin wax gurmad ah oo dadkaasi ay heleen ilaa iyo hada.
Dhawaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa tegay Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,oo qiimeyn ku sameynayay Meelaha uu ka fatahayo Wabiga Shabeelle iyo sidii loo joojin lahaa fatahaadaasi intaysan bulshada deegaanka dhibaato ka soo gaarin.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dowladda Soomaaliya, Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle iyo cidkasta oo xaalada halkaas ka taagan Gacan ka gaysan Karta ugu baaqay inaan indhaha laga dboolan waxa ka jira Magaalada Beledweyne,isla markaana ay keenaan qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeelle inay intaas ka sii badato maadaama Magaalada Beledweyne Sanadkasta ay ka dhacdo Fatahaad daran taasoo sababta inay barakacaan Kumanaan Qoysas ah oo qaar badan ay Danyar yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here