Roobab Saamayn yeeshay oo xalay Muqdisho ka da’ay.

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka da’ay muddo dhowr saacadood ah roob Xooggan oo saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka Gobolkan Banaadir qaarkood, iyadoo dadka qaar ay ku barakaceen Roobkaan Mahiigaanka ah.
Wararka la helay ayaa waxaay sheegayaan inay jiraan qoysas danyar ah oo Biyuhu Guryahooda ugu galeen, isla markaana ay sababtay inay barakacaan si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobku xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka da’ayay Magaalada.
Waxaa uu Tilmaamay in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan soo gaarin khasaaro nafeed oo ka dhashay roobka marka laga reebo Guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag oo dumay, balse aan wax khasaaro ah geysan,wuxuuna Bulshada wax heysanata ugu baaqay inay u gurmadaan dadka danyarta ah ee ay Saamaynytu Soo gaartay.
Cod
Marka sidaan oo kale uu Roobka ka da’o Magaalada muqdisho ayaa saameynta ugu daran wuxuu ku yeeshaa Guryaha ay degan yihiin Qoysaska danta yar iyo wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood horay u bur bursanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here