Roobab xooggan oo la filayo inay dalka ka da’aan maalmaha soo socdo

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka Kenyaanka ah ku wargelisay inay isku diyariyaan roobab culus oo la rajeynayo inay da’aan maalmaha nagu soo aaddan.
Qoraalkan ayaa soo baxay galinkii dambe ee shalay waxayna saadaashu sheegeysa inay u badan tahay in roobab la helo ilaa maalinka isniinta ee 28-ka bishan.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maadaama laga cabsi qabo in fatahaado ay saameyaan xita meelaha roobab badan aynan ka da’in.
Roobabkan ayaa la filayaa inay ka da’aan ismaamulada iyo deegaanada Mombasa, Kwale, Kilifi, qeybo ka mid ah Tana River, Lamu, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyaga, Tharaka Nithi, Kitui, Taita Taveta, Busia, Kisii Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Baringo, Narok, Migori, Nandi, galbeedka Pokot, Koonfurta Turkana, Samburu, Trans Nzoia, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Vihiga, Bungoma, Homa Bay, Busia, Kisumu, Siaya, Kakamega, Nakuru, Isiolo, Garissa, Marsabit, Mandera iyo Wajeer.
Sido kale shacabka ayaa looga digay inay dhex socdaan ama baabuur ku kaxeyaan biyaha socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here