Ruto oo dib u dhigay xaflada lacag uruurinta ee ismaamulka Nyamira iyadoo ay jirto fowdo

Shir lacag uruurin ah oo lagu waday in lagu qabto Nyamira Khamiista ayaa dib loo dhigay iyadoo ay jirto fowdo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka qeyb gali lahaa munaasabada ayaa sheegay in kulanka laga dhigay usbuuca soo socda kadib wadatashiyo uu la yeeshay hogaamiyaasha deegaanka.
Fowdo ayaa ruxday garoonka Kebirogo, oo ahayd goobtii lagu waday inay ka dhacdo xaflada lacag ururinta, subaxnimadii Khamiista iyadoo bilayska ay kala eryeen dadka deegaanka ee isugu imaanayay kulanka.
Gawaari xamuul ah oo saraakiil booliis ah ayaa la geeyay goobta hal maalin un kadib markii dowladda ay soo saartay amaro ah inay waajib tahay in loo hogaansamo qof kasta oo qabanaya kulan dadweyne.
Guddiga La-talinta Amniga Qaranka ee (NSAC) ayaa Arbacadii sheegay in qof kasta oo qabanaya isu soo bax dadweyne ay tahay inay booliska u sheegaan seddex maalmood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here