Ruto oo ku baaqay in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo ciddii dishay sarkaalkii ka howl gali jiray xafiiskiisa

Madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto ayaa ugu baaqay saraakiisha booliska inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambeesay dilkii sarkaal sare oo ka hawl gali jiray xafiiskiisa.
Sarkaalkan ayaa lagu magacaabi jiray seargent Kipyegon Kenei.
Dr Ruto, oo xafiiskiisa uu yahay xudunta baaritaanada la wado ayaa hada ugu baaqay agaasimaha dambi baarista dalka ee DCI George Kinoti in uu joojiyo ciyaarta uu ku wado mbaritanada isla markaana uu runta caddeeyo.
” Waa in runta la helaa sawabta, qaabka iyo cida dishay Mr. Kenei”, ayuu bartiisa rasmiga ee twitarka kusoo qoray Mr. Ruto.
Hadalka madaxweyne kuxigeenka ayaa imanaya saacado un kadib markii agaasimaha DCI George Kinoti uu kasoo hor muuqday saxaafada si uu u caddeyo halka ay marayaan baaritaanada Mr. Kenei.
Waxaa uu ka war bixinayay sacaadihii ugu dambeeyay ee uu ku sugnaa xafiiska madaxweyne kuxigeenka ee Harambee Annex.
Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa xubin muhiim ah oo loo adeegsan raway kiiska loo haysto wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa kaas oo lagu eedeyay in uu xafiiska madaxweyne ku xigeenka ka saxiixday qandaraas hub sharci darro ah oo dhan 39 bilyan.
Dhawaan ayuu qoraal uu soo saaray Mr. Ruto ku sheegay in gelitaanka xafiiskiisa uu ahaa mid sharciga baal marsan oo lagu jawiyay amniga goobtaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here