Ruushka iyo Turkiga oo aan ku heshiin arrimaha Suuriya

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay inuunan wax heshiis ah ka soo bixin wada hadalo kala dhexeyay dowladda Turkiga kuwaasoo lagu eegayay xal u helidda dhibaatooyinka ka jiro wadanka Suuriya.
Kulamada ayaa ka socday magaala madaxda Ruushka ee Moscow.
Waxaa la doonayay in xal loogu helo xasaradaha ka taagan gobolka Idlib ee wadankaas.
Lavrov ayaa intaas ku daray in weerarro iyo howlgallo ay weli ka socdaan gobolka Idlib ee Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here