Ruushka iyo Turkiga oo dib u dhigay kulan looga hadli rabay arrimaha Libya iyo Yaman

Ruushka iyo Turkiga ayaa dib u dhigay kulan ay uga arrinsan rabeen arrimaha Libya iyo Suuriya, labada wadan ayaa kala taageeraa dhinacyada isku haya dalalkaasi.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu iyo dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov ayaa go’aansaday inay joojiyaan wadahadallada iyaga oo ku wada xiriiray khadka taleefanka maalintii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.
“Wasiir ku-xigeennada labada dal ayaa sii wadi doonaan xiriirka iyo wada-hadallada muddada soo socota. Wadahadallada heer wasiir ayaa la qaban doonaa waqti dambe,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.
Lavrov iyo Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayay ahayd inay booqdaan Istanbul si ay uga wadahadlaan arrimaha labada dal.
Toddobaadkan, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinacyada dagaallamaya ay bilaabeen wadahadallo xabbad-joojin ah oo cusub oo ka dhaca Liibiya, waxayna xukuumadda Ankara ay taageertaa dowladda uu caalamka aqoonsanyahay.
Ruushka, Imaaaradka iyo Masar ayaa iyaguna gacan siiyaa ciidamada jenaraal Khaliifa Xaftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here