Ruushka oo diiwaan geliyay dhimashadii ugu badneeyd ee maalin laha

Ruushka

Dalka Rushka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaan geliyay 232 dhimasho ah, waana tii ugu badneeyd ee maalin laha ah iyadoo wadarta guud ka dhigtay 4,374.
Saraakiisha ayaa sido kale sheegay in la xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 8,572 waxayna hadda gaartay 387,623 kiis.
Dhanka kale India ayaa diiwaan gelisay 175 dhimasho cusub oo ay tirada guud hadda tahay 4,706, waxayna ka sare martay mida Shiinaha.
Dalkan ayaa sido kale soo tabiyay kiisas cusub oo dhan 7,466 halka ay kiisaka guud yihiin 165,799.
Thailand ayaa todobaadka soo socda yareeyn doonta saacadaha bandoowga waxayna fududayn doontaa xayiraadaha saaran ganacsiyo badan sida ay sheegtay dawladda waxaayna arrintan ku soo aadeeysa iyada oo ay yaraadeen kiisaska gudaha.
Mas’uuliyiinta duulista hawada ee Shiinaha ayaa qorsheynaya inay kordhiyaan xannibaadda saaran duulimaadyada caalamiga ah illaa June 30-keeda sida ay sheegaty safaaradda Mareykanka ee Beijing.
Shiinaha ayaa si weyn u jaray duulimaadyada noocan oo kale ah tan iyo bishii Maarso si loo yareeyo walaacyada iyo faafitaanka fayraaska koroona.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in aysan jirin kiisas cusub oo la xaqiijiyey oo la xiriira COVID-19 illaa 28-kii May oo shalay ahayd.
Dalka Brazil ayaa laga diiwaan galiyay tiro badan oo cusub oo ah kiisaska COVID-19 iyo in ka badan 1,000 dhimasho ah muddo 24-saac gudaheed ah, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee la soo saaray Khamiista.
Dalkan dhaca Koonfurta Amerika ayaa ah midka labaad ee sida ba’an uu u saameeyay fayraaska marka laga soo tago Mareykanka, waxayna tirada guud hadda mareeysaa 438,238 iyo dhimashada 26,754 qof.
Guud ahaan caalamka waxaa la diiwaan geliyay kiisas dhan 5.9 milyan halka cudurka ay u dhinteen ku dhawaad 360,000.
Waxaa ka caafimadaay tiro kor u dhaafaysa 2.5 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here