Ruushka oo laga xaqiijiyay in ka badan 5000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ay gaartay 902,701 kaddib markii la xaqiijiyay 5,102 oo dheeraad ah.
Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa inaynan weli helin xog dhamaystiran oo ku saabsan tallaalka uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin sheegay inay u heleen coronavirus.
Wadanka Indonesia waxaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo dhan 1,942 .
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha corona ee wadankaas ka dhigaysa 130,718 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Sido kale waxaa cudurka u dhintay 79 qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada ka dhalatay COVID19 ee gudaha Indonesia tahay 5,903.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here