Ruushka oo laga xaqiijiyay ku dhawaad 5,000 oo xaaladood oo corona

Dalka Ruushka ayaa laga soo tabiyay 4,969 oo ah xaaladaha coronavirus ee cusub.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 922,853 waana tirada afaraad ee ugu badan caalamka.
Xarunta Ruushka u qaabilsan ka falcelinta cudurka COVID19 ayaa sheegtay inay dhinteen 68 qof oo dheeraad ah.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka gudaha Ruushka ayaa hadda ah 15,685 waxaana ka caafimaaday 732,968 qof.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay inay diiwaangelisay kiisas cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo dhan 3,420 iyo 65 oo dhimasho dheeraad ah.
Xaaladaha guud ee corona ee Filibiin ayaa hadda ah 161,253 halka dhimashada ka dhalatay cudurka sii faafaya ee COVID19 ay gaartay 2,665 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here