Ruushka oo xaqiijiyay in ka badan 5000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

Waxaa dalka Ruushka laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 5,100 .
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha fayraska corona ee ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 861,423.
Ruushka ayaa ah wadanka afaraad ee laga soo tabiyay kiisaska ugu badan caalamka marka laga soo tago Maraykanka, Brazil iyo India.
Xarunta qaabilsan ka falcelinta coronavirus ee Ruushka ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay 144 qof ay u dhinteen cudurka waxayna hadda dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 maraysaa 14,351.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here