Rwanda oo diiwaangelisay dhimashadii ugu horreysay ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Rwanda ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dhimashii ugu horreysay gudaha wadankaas ee ka dhalatay cudurka covid-19.
Qofka dhintay ayaa lagu sheegay darawal ay da’diisu ahayd 65 sano.
Waxay wararku intaa ku darayaan inuu dib uga soo laabtay mid ka mid ah wadamada dariska la ah Rwanda oo uu degganaa kaddib markii uu aad u xanuunsaday.
Bayaanka wasaaradda waxaa qeyb ka ah in ninkan uu sido kale qabay xanuuno dhanka neefsashada ah uuna geeriyooday xilli lagu daaweynayay xarun gaar ah oo lagula tacaalo cudurka COVID-19 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here