Rwanda oo mamnuucday balaastiga hal mar ah la isticmaalo

Rwanda ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee bariga Afrika ee si buuxda looga mamnuuco isticmaalka dhammaan waxyaabaha balaastiga ah ee hal mar keliya la adeegsado.
Ganacsatada tafaariiqda ayaa loo qabtay muddo saddex bilood ah oo ay amarkan ugu hoggaansamayaan.
Shirkadaha ama warshadaha soo saaro agabka balaastiga ah ayaa iyagana laga doonaya inay ku soo afjaraan muddo laba sano gudaheed ah.
Sannadkii 2008–dii ayay ahayd markii Rwanda laga dhaqangeliyay sharci mamnuucaya isticmaalka bacaha balaastiga ah ka hor inta bishii sideedaad ee sannadkan aan wargeyska dowladda Rwanda lagu soo daabicin si bilicda deegaanka loo muujiyo inaan la adeegsan karin wax waliba oo balaastik ah oo hal mar keliya la isticmaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here