Rwanda oo xaqiijisay 17 kiis Coronavirus oo dheeraad ah

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda laga helay cudurka COVID1-19 ee dalka Rwanda.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen toban iyo todobo kiis oo dheeraad ah taaso tirada guud ilaa iyo hadda gudaha wadankaasi laga xaqiijiyay ka dhigaysa 36.
Wasaarda ayaa intaas ku dartay in 17 qof ay isugu jiraan 3 qof oo ka safray Kenya , sagaal ka yimid Dubai ee dalka isu taga imaaradka ,laba Maraykan ah, hal Qadar ah iyo mid India.
Dadka maanta laga helay cudurka ayaa wasaarada caafimadka dalka Rwanda sheegtay in karantiil la geliyay intii u dhaxaysay 17-kii ilaa iyo 20-kii bishaan saddexaad.
Waxay dhanka kale shaacisay in dadkaan ay xiriir la sameeyeen kiisas kii hore.
Dowlada dalkaasi ayaa xirtay xuduudaha ay la leedahay dalalka kale ay dariska la tahay iyadoona cida kaliya loo ogol yahay ay tahay shaqaalaha sida alaabaha xamuulka iyo muwaadiniinta dalkaasi u dhashay ay ka soo laabanaya dalalka kale ku waas muddo laba todobaad la karantiilayo.
Waxay sabtida todobaadkaan xadiday isu socodka dadweynaha si looga hortaaga faafitaanka cudurka saf-marka.
Gudaha Rwanda ayaa kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus laga xaqiijiyay 14-kii bishan wuxuuna ahaa qof u dhashay dalka India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here