Rwanda oo xaqiijisay afar kiis oo Coronavirus oo dheeraad ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Rwanda ayaa shaaca ka qaadday inay xaqiijisay afar kiis oo dheeraad ah oo ku aaddan caabuqa Coronavirus.
Ilaa iyo hadda gudaha Rwanda waxaa cudurkan lagu arkay 5 qof.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in afarta qof ee galinkii dambe ee shalay firuusiga laga helay ay isugu jiraan saddex wadankaas u dhashay iyo mid ka soo jeedo Uganda .
14-kii bishan ayay ahayd markii dalka Rwanda laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus .
Dhanka kale shirkadda diyaaradaha ee RwandAir ayaa sheegtay inay duuliimaadyadii ay ku tagi jirtay wadanka India hakinayso ilaa 30-ka bisha afaraad ee sannadkan maadaama qofkii ugu horreeyay ee laga helay uu 8-dii bishan ka soo laabtay magaalada Mumbai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here