Saamaynta roobabka oo laga soo sheegayo deegaano Soomaaliya ka tirsan

Kadib markii roobab xoogga ay ka curteen deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa ka dhashay Saamayn kala duwana ayadoo boqolaal qoysas ah ay barakaceen Sidoo kale dad ayaan ku dhintay meelaha qaar halka kuwo kale ay ku hanti beeleen.
Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa soo saaray digniino la xiriira inay markale deegaano maalmulkaas ka tirsan ka da’aan roobabka Mahiigaanka ah kuwaasoo saamayn kale ay ka dhalan karto kadib daadadkii habeen ka hor qaaday Magaalada Qardho.
Wasaarad arimah gudaha ee maamulka Puntland ayaa shacabka deegaanada maamulkaas ku nool gaar ahaan meelaha la filan karo inay ka da’aan roobab culus waxay u dirtay digniin ku aadan khatarta ka dhalan karta Roobabka la filayo inay saacadaha Soo socda da’aan.
Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo soo xiganaysa xog laga helay Waaxyaha Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay inay deegaanada Puntland ku soo wajahan yihiin roobab Mahiigaan ah oo khasaare gaysan akra.
Wasaaradu waxay shacabka ugu baaqday inay ka abxaan meelaha godan iyo dhulka Miyo mareenada ah si looga gaashaanto khasaare kasta oo roobka ka imaan kara.
Gidniintaan ayaana imaanaya ayadoo maalmihii la soo dhaafay Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay deegaano ka Tirsan gobolka Bari ay saamayn Xooggan ku yeesheen dadka halkaas ku nool waxanaa ugu sii darnayd Degmada Qardho oo gabi ahaanteedaba biyuhu qaadeen.
Sidoo kale Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka Magaalooyinka kala duwan ee Maamul Goboleedka Puntland,kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaas ka da’een Roobab daadad watay.
Wararka laga helayo deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa waxaaay sheegayaan in togga degaankaas Daadad xooggan oo xalay ku soo rogmaday ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka dhabahaas isticmaali jiray.
Gaadiid fara badan oo ka yimid deegaannada kala duwan ee Maamulka Puntland ayaa lasoo sheegayaa inay ku xaniban yihiin labada dhinac ee Togga deegaanka Ceeldaahir,waxaana Gaadiidkaas saaran dad farabadan iyo badeecooyin kala duwan sida ay warbaahinta guduhu sheegtay.
Roobab mahiiggaan ah oo todobaadkan ka da’aya degaannada Puntland ayaa waxaa uu sababay inay kala xirmaan Magaalooyinka kala duwan ee puntland,waxaana dhubaatada ugu daran ee dhimashada sababtay ay ka dhacday Magaalada Khardho ee Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here