Saameyn ka dhalatay adeegyada caafimaad ee isbitaalka qaran dalka

Nin ayaa ku dhintay halka baabuurta la dhigo ee isbitaalka qaran ee Kenyaatta kaddib markii uu waayay daryeel caafimaad.
Ninkaas oo ahaa wade mooto ayaa ku soo dhaawacmay shil isagoona la sheegay inuu waayay in wax loo qabto kaddib markii ay dhakhaatiirta ku dhaqaaqeen shaqo joojin.
In ka badan 5,000 oo dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isugu jira ayaa curyaamiyay howlaha isbitaalka iyagoona dalbanayaa mushaar kordhin.
Dr Stanley Kamau oo xubin ka ah guddiga KNH ayaa sheegay in isbitaalka iyo shaqaalaha lagu eedeyn Karin geerida ku timid ninka shilka soo galay ee geeriyooday.
Waxaa uu sheegay in wadaha mootada oo ku jiray xaalad halis ah oo aan waxbo laga qaban Karin .
Qoysas badan ayaa waxaa lagu qasbay inay isaga baxaan isbitaalka Kenyaatta kafdib markii ay qalabka dhulka dhigeen howl wadeenada caafimaad.
Waxay tani saameyn ku yeelatay bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba.
Xoghayaha guud ee ururka kalkaaliyaasha dalka ee (KNUN) Seth Panyako, ayaa sheegay in muushaarka dhakhaatiirta cisbitaalka qaran ee dalka kordhin loogu sameyn tan iyo sannadkii 2012-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here