Saameynta Ayaxa oo weli laga dareemayo Galgaduud

Bulshada xoolo dhaqatada ah ee deeggan waqooyiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maalmihii la soo dhaafay la dagaalamayey koron koro uu ka tagay ayaxii dhawaan qaybo ka mid ah gobolka lagu arkay
Deegaanka Cali Xasan iyo deegaanada la midka ah waxaa fara ba’an ku haya koron koro dhameeynaysa naqa roobka sannadkan taas oo bulshada ay walaac xooggan ka muujiyeen.
Dadka deegaanka ayaan ku guulaysan la dagaalanka cayayaankaas dhibaatada ba’an ku haya dhulkii ay xooluhu daaqi lahaayeen.
Wakiil wareedka warbaahinta star ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa wareystay qaar ka mid ah dadka deegaankaas oo ay dantu ku qasabtay inay qeylo dhaan u diraan cid kasta oo arrintan ka caawin karto

Macallin Mahdi Muxumad Sheekh oo ka mid ah dadka degmada Guriceel ee ku baxay dhulka miyiga ah ee ay dhibaatadu ka jirto ayaa isagana u warramay idaacadda Star fm waxaana uu sheegay in haddii lagu fiirsado koron korada deegaannada la arki doono dadka xoola dhaqatada ah oo ka barakaca dhulka ay ku nool yihiin.
Waxaa uu sido kale codsaday in bulshada reer Guriceel ay u istaagaan sidii cayayaankaas wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here