Saameynta roobabka oo laga dareemayo qeybo ka mid ah dalka

Waxaa ismaamullada kala duwan ee wadanka laga soo tabinayaa saameynta ka dhalatay roobabka xoggan ee maalmihii la soo dhaafay da’ayay welina sii socdo.
Dhibaatooyinka ayaa isugu jiro dhimasho iyo barakac.
4 qof ayaa ilaa iyo hadda daadadka ka dhashay roobabka awgood ku dhintay gobolka Nyanza halka in ka badan 3,000 oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.
Saddex ka mid ah dhimashooyinkan ayaa laga diiwaangeliyay ismaamulka Homa Bay halka midka afaraad uu yahay arday sannadkan u fariistay imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee KCSE-da oo ay biyuhu kula tageen Kisumu.
Ugu yaraan 34 qof ayaa laga daadgureeyay ismaamulka Bomet kaddib markii biyaha ay guriyahooda gudaha u galeen.
Dowlad deegaanka Laikipia nin da’diisu lagu sheegay 28 sani jir ayaa ku dhacay webiga River Pesi.
Meelaha roobabka ka da’ay ay saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay.
Wariyahayaga deegaankaas Maxamad Baaruud Xuseen ayaa hadda khadka taleefoonka si toos ah ugu jiro si uu faahfaahin dheeraad ah noo siiyo

Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa shalay shaaca ka qaadday in hal milyan oo doolar oo u dhiganta boqol milyan oo shilin ay ugu deeqi doonto hay’adda cunadda adduunka ee WFP laanteeda Kenya.
Roobabkan ayaa la saadaalinaya inay sii socdaan ilaa dhammaadka bishan 12-aad ee Diseembar waxaana dadweynaha loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here