Sababaha Ay Aamusnaantu u Tahay Xikmad iyo Awood!

Marka aad isku daydo inaad dadka hadal ku soo jiidato, waxaad isku dhibeysaa hadal tiro badan, waxaanad si tartiib tartiib ah u lumineysaa haybadaadii qof ahaaneed, haddii waxa aad sheegaysaa uu yahay wax aan macno lahayn, waxaad si toos ah u lumineysaa qiimihii ay dadka kale kuu hayeen.
Waxaa hubaal ah markasta oo hadalkaagu badan yahay in uu dhacdhacaagu badanayo. Hadaba, waa maxay sababta ay aamusnaantu u tahay xikmad iyo awood?
Sababta 1aad| Haddii eraygu uu afkaaga ka soo baxo dib uguma celin kartid
Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo ‘Af daboolani waa dahab’, sidaa darteed waxaa habboon inaan afkeenna xakameynno marka aan careysannahay gaar ahaan, si aanan waxwalba ugu hadal oo aan nafteenna u xakameynno, waxaa la yiraahdaa, haddii aad dooneyso inaad qof ogaato ra’yiga uu kaa qabo, waa laga careysiiyaa, xumaan walba oo uu kuu hayo dibadda ayuu usoo saarayaa

lasoco qaybta labaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here